U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud./ Xuquuqda sawirka:radiomuqdisho.net
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud./ Xuquuqda sawirka:radiomuqdisho.net

Madaxwaynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka qeyb gelaya shirka golaha guud ee qarammada midoobey ee ka furmaya magaalada New York  halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan horumarka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo howlaha hadda hor yaalla.

Madaxweynuhu inta uu joogo magaalada New York wuxuu kulammo gooni gooni ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee iyaguna shirkaa ka qeyb gelaya.

Xasan Sheekh waxaa sii sagootiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, ku Simaha ra’iisal wasaaraha ridwaan Xirsi, wasiirro iyo taliyayaasha ciidanka