U bood dhigaalka

Biyo la’aan baahsan oo ka taagan tuulooyin hoos yimaada Galgaduud

Sheeko:Dalka

Xaalad biyo la’aan ah oo saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka taagan deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaanada ay biyo la’aanta laga dareemay waxaa ka mid ah degmada Ceel-dheer oo lagu soo waramayo in dadka iyo duunyada ay si isku mid ah u saameysay.

Wax garadka degmadaasi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in degmada Ceel-dheer iyo deegaanada ku dhow dhow dadka ku nool ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan gaajo iyo harraad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah ayay ka codsadeen in ay gurmad beni’aadanimo la soo gaaraan degmada.