U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gaaray tuulooyin u dhow Baraawe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaano dhowr ah oo ku dhow degmada Baraawe oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al-Shabaab.

Wararka aan ka helnay gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamadan is kaashanaya ay tageen dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Baraawe kuwaasi oo la tilmaamay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada ay ku dhowyihiin degmada Baraawe halkaasi oo uu shaaciyay in ay goor dhow gudaha u geli doonaan.

Ciidamada huwanta ayaa ka ambabaxay degmada Buulo Mareer waxa ayna imika ku suganyihiin tuulada Marin gubaay.

Siidii ayaa xusay in ay shir jaraa’id ku qaban doonaan magaalada Baraawe marka ay la wareegaan.

Hoos ka dhageyso codka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii: