U bood dhigaalka

Maraykanka oo soo dhoweeyey qabsashada Baraawe, Cadale iyo Buuraha Galgala

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Somaaliya James P. McAnulty ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howl galka midowga Afrika ee soomaaliya ugu hambalyeeyey guulihi ugu dambeeyey ee ay ka gaareen howl galka Badweynta Hindiya.

Maraykanka ayaa soo dhoweeyey qabashada magaalooyinka Baraawe iyo Cadale taas oo uu ku sheegay in ay tahay jab hor leh oo soo gaaray xarakada Al-shabaab, dadka soomaaliyeedna fursad u siineysa in ay si xorriyad ah isaga gooshaan deegaanada kala duwan ee dalka oo muddo kala xirnaa.

James P. McAnulty ayaa sidoo kale bogaadiyey howl galkii maamulka Puntland uu kula wareegay buuraleyda Gal-gala ee gobolka Bari.

“Ololaha dowladda iyo kan maamulka Puntland oo isbiirsado waxa ay wiiqayaan awooda Al-shabaab waxaana uu kaalin ka qaadanayaa xasilinta Soomaaliya oo mideysan.” Ayuu yiri James P. McAnulty

“Dowladda Maraykanku waxaa ay sii wadeysaa tageerida dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, midowga Afrika iyo maamulka Puntland ee ku aadan xasilinta deegaanada dhowaan ay dowladdu qasbsatay.” Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa ka qeyb qaata weerarada cirka ee laga geysto deegaanada ay ku suganyihiin Al-shabaab.