U bood dhigaalka

Kenya: 22 ka tirsan Al-shabaab ayaan ku dilnay Buula Gaduud

Oktoobar 7, 2014

Sida ay qortay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay ku dileen 22 dagaalyahan oo ka tirsan xarakada Al-shabab dagaal ka dhacay deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Afhayeen u hadlay gaashaandhiga Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay Al-shabab ka xoreeyeen sida uu yiri Buula Gaduud isla markaana ay burburiyeen baabuur ay lahaayeen hub iyo rasaasna gacanta ay kaga dhigeen.

“askari ka tirsan ciidamada Kenya iyo 3 soomaali ah ayaa ku dhaawacmay xilligii dagaalka uu socday ee aynu wadnay gulfka ka dhanka Al-shabab.” Ayuu yiri Obonyo.

Kenya ayaa aamisan in Buula gaduud ay ahayd halka laga soo qorsheeyo weerarada Al-shabaab ay kusoo qaadaan magaalada Kismaayo.

Ka saaritaanka Buula gaduud ee xarakada Al-shabaab ayaa imaaneysa xilli ciidamada huwanta ah ay Al-shabab kala wareegeen degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe 3-dii bishan , si lamid ah taasina shabaabku gacantooda waxaa ka baxday magaaladii muhiimada gaarka u lahayd ee Baraawe oo maalintii shalay ahayd ciidamadu ay xaqiijiyeen in ay gacan buuxda ku hayaan, balse Al-shabab wali gacantooda waxaa ku harsan Baar dheere, Diinsoor, Jilib, Bu’aale, Jamame.