U bood dhigaalka

Ciidamo si gaar ah loogu tababaray sugida ammaanka Cadaado oo uu shir ka furmayo

Sheeko:Dalka
Cadaado
Cadaado

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in uu soo gabagaboobmay tababar dhanka ammaanka ah oo la siiyay ciidamada maamulka si ay u sugaan ammaanka magaalada Cadaado oo lagu wado in uu ka furmo shirka lagu mideynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka maamulkaasi u qaabilsan ammaanka Maxamuud Maxamed ayaa war fidiyeenada u sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah tababar loo siiyay.

Intaa waxa uu warkiisa ku sii daray masuulkan in ciidamadan ay u diyaar garoobeen dar dar galinta ammaanka magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado waxaa imika ku sugan madaxwaynayaasha maamulaada Galmudug iyo Ximan & Xeeb iyo wufuud kale oo isku diyaarineysa ka qeyb galka shirka lagu gorfeynayo dhismaha maamulka gobollada dhexe.