U bood dhigaalka

Ciidamo si gaar ah loogu tababaray sugida ammaanka Cadaado oo uu shir ka furmayo

Oktoobar 9, 2014
Cadaado
Cadaado

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in uu soo gabagaboobmay tababar dhanka ammaanka ah oo la siiyay ciidamada maamulka si ay u sugaan ammaanka magaalada Cadaado oo lagu wado in uu ka furmo shirka lagu mideynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka maamulkaasi u qaabilsan ammaanka Maxamuud Maxamed ayaa war fidiyeenada u sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah tababar loo siiyay.

Intaa waxa uu warkiisa ku sii daray masuulkan in ciidamadan ay u diyaar garoobeen dar dar galinta ammaanka magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado waxaa imika ku sugan madaxwaynayaasha maamulaada Galmudug iyo Ximan & Xeeb iyo wufuud kale oo isku diyaarineysa ka qeyb galka shirka lagu gorfeynayo dhismaha maamulka gobollada dhexe.