Faahfaahin ku saabsan dagaal ka dhacay duleedka Beledwayne (Dhageyso)
Sheeko:Dalka
Warar dheeraad ah ayaa saaka oo Khamiis ah laga helayaa dagaal ciidamada maamulka la baxay Westa Land iyo kuwa xarakada Al-Shabaab ku dhax maray deegaano isku xira gobollada Hiiraan, Bakool iyo Shabeellaha dhexe.
Cabdi Shiikh Faarax oo sheegay in maaamulkaasi madax u yahay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen furida wadooyin xirnaa kuwaas oo la tilmaamay in ay xanibnaayeen.
Waxa uu tilmaamay in dagaaladan 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhacen duleedka magaalada Beledwayne.
Masulkan oo carabka ku dhuftay jiritaanka khasaare ay gaarsiiyeen dhanka Al-Shabaab ayaa si kooban u sheegay in uu aad u yar yahay khasaaraha soo gaaray ciidamadooda.
Hoos ka dhageyso codka Cabdi Shiikh Faarax: