Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo shaacisay cinwaanada gobolada dalka
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muddooyinkii dambe aad ugu hawlaneyd dardargalinta iyo dib u soo celinta adeegii boostada dalka.
Wasaaraddu waxey ku guuleysatay in maanta ay waraaqaha dalka dibaddsiisa ka yimaada ay soo gaaraan dalka iyadoo wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintuna gaarsiiso gobolada dalka Soomaaliyeed.
Wajiga labaad oo hadda gabagabo ku dhow ayaa ah in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu diyaarineyso inshacabku ay bilaabaan diritaanka waraaqaha ay u diraan dalka dibadiisa.
Magacyada Gobolada iyo Post Code-kooda
1- AD = AWDAL
2- BK = BAKOOL
3- BN = BANAADIR
4- BR = BARI
5- BY = BAY
6- GG = GALGADUUD
7- GD = GEDO
8- HR = HIIRAAN
9- JD = JUBBADA DHEXE
10- JH = JUBBADA HOOSE
11- MD = MUDUG
12- NG = NUGAAL
13- SG = SANAAG
14- SD = SHABEELLADA DHEXE
15- SH = SHABEELLADA HOOSE
16- SL = SOOL
17- TG = TOGDHEER
18- WG = WAQOOYI GALBEED
Gobol-walba waxaa raaci doona nambar, degma walbana waxay yeelaneysaa nambar khaas u ah. Tusaale ahaan gobolka Banaadir waxuu qaadanayaa 1000 (BN 1000) waxaa markaa kadib raacaya Numberka degmada iyo numberka guriga qofka.