Malala Yousufzai oo ku guuleysatay Bilada Nobel Peace Price
Sheeko:Wararka Caalamka

Gabadha u dhalatay dalka Pakistan ee Malal Yousufzai oo ah qof u dooda waxbarashada gabdhaha iyo Nin u dhashay dalka India oo lagu magacaabo Kalaash Satiya ayaa si wadajir ah sanadkan ugu guuleystay billada nabada ee caanka ah ee [Nobel Peace Price].
Malala oo 17 jir ah waa qofkii ugu d’a yaraa ee abaalgudkan la guddoonsiiyo.
Taalibaan ayaa madaxa ka toogtay sanadii 2012-ka iyadoo u ololeyneysay waxbarsahada gabdhaha.
Labadan qof ayaa kasoo kala jeeda dalalka jaarka ah ee Pakistan iyo India, waxaana lagu dhawaaqay biladan maanta oo Jimce ah.