U bood dhigaalka

Guddiga amniga gobolka Baay oo digniin u diray maamulka lixda gobol

Sheeko:Dalka
baydhabo
Baydhabo

Guddiga amniga gobolka Baay ayaa digniin u diray qaar ka mid ah dhinacyada siyaasada isku haya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Hadalkan ayaa yimid markii dhowaan garabka Madoobe Nuunow ay sheegeen in ay soo doorteen maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo.

Guddiga ammaanka waxa ay sheegeen in ay xabsiga u taxaabi doonaan cidii isku daydaa in ay qal-qal geliso amniga magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeysay xarun u ahayd labo maamul oo is barbar socda kuwaas oo mid walba ku adkeysanaya in uu yahay maamulka saxda ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka koofur galbeed ee ka kooban saddexda gobol.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan oo faahfaahsan  kala soco Goobjoog FM