U bood dhigaalka

Ra’iisal wasaare Cabdiweli oo kormeeray xarumo waxbarasho iyo wasaarado ku yaalla Garowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay xarumaha wasaaradaha maamulka Puntland iyo xabsiga wayn ee magaalada Garowe.

Waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku ammaanay maamulka Puntland dadaalka ay u galeen horumarinta waxbarashada ee deegaanada maamulkaasi.

Madaxwayanaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ra’iisal wasaaraha ku wehliyay kormeerka ay ku tageen qaar ka tirsan xarumaha maamulka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa ra’iisul wasaaraha guddoonsiiyay shahaado sharaf taasi oo wasaaraddu ay ku muujinaysay sida ay ugu faraxsantahay socdaalka ra’iisul wasaaraha uu ku yimid Puntland.

Mudane Cabdiweli  Sheekh Axmed ayaa  sidoo kale  kormeer ku tagay Jaamacado iyo dugsi waxbarsho oo kale,oo uu ka mid yahay dugsiga sare ee Gambool.