U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo soo dhoweysay heshiiska dowladda iyo maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nichalos Kay ayaa soo dhoweeyay natiijadda ka soo baxday wada hadalka u dhaxeeya dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Puntand kaas oo maanta lagu heshiiyay 12 qodob oo dhamaantood ahmiyad gaar ah u leh labada dhinac.

Danjire Kay oo goob joob ka ah heshiiska ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay in ay tani Soomaaliya oo dhan u wanaagsantahay isla markaasna maanta kadib laga wada shaqayn doono hormarka wadanka guud ahaan.

“Waxaan ku faraxsanahay heshiiska, waxaan ku kalsoonahay waxa dhacay, heshiiskan la gaaray waxaa ka sii fiican xitia sida ay dadaalka u sameeyeen labada dhinac oo muujineysa wax fiican, waxaa soo ifiya mustaqbalka soomaaliya , mustaqbal dowlad federaal ah oo Puntland si fcn uga dhex muuqato.”

“Maanta waxaan ka hadlaynaa Garoowe laakiin waxaan la hadlaynaa Soomaaliya , waxaan ka hadlaynaa Soomaaliya , meel kasta oo ay joogaan. Hada laga bilaabo ilaa dhamaadka sanadka waan la soo dhameystirayaa maamul u sameynta maamul goboleedyada arrinta gobolada dhexe ayaana laga bilaabayaa. Waxaan si xushmad ku jirto uga codsanayaa Baarlamaanka Soomaaliya soo diyaarinta guddiga doorashooyinka. Waxaan rabnaa inaan Xamar ka dhex aragno guddiga dib u eegista dastuurka oo shaqeynaya . Waxaan codsanayaa in la sameeyo guddigii xaquuqul insaanka oo iyana muhiim ah” ayuu yiri Danjire Kay.