Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya oo wax ka qabanaysa dhibaatada Soomaalida loogu geysto xabsiyada caalamka (Dhageyso)
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Faarax C/qaadir ayaa sheegay in deg deg wax looga qaban doono dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira qaar ka mid ah xabsiyada ku yaala dalalka caalamka.
Waxa uu sheegay wasiirka in ay ka dhigan tahay garsoorka dalka oo istaaga in lala xisaabtamo cid walba oo ku xadgudubta sharafta muwaadinka Soomaaliyeed, sidaa darteed ay la xisaabtamayaan cid walba oo muwaadinka ku xadgudubta.
Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay arinta ku saabsan ku takri falka hantida umadda ay leedahay, waxaana uu sheegay in aanu jiri doonin in loo saamo qof walba oo arintaasi ku dhaqaaqa.
Ugu dambeen ayuu sheegay wasiir Faarax in ay ka shaqeyn doonaan midnimada sharciyadda dalka, si loo helo kala dambeyn iyo shacabka oo gacanta is qabsada.
Halkaan hoose ka dhageyso warkaan oo maqal ah
dhanka kale shirka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed, ka aqriso halkaan warka qoraalka ah ee shirka War Murtiyeed
Goobjoog News