U bood dhigaalka

Kulamo kala duwan loogana arinsanayo doorashooyinka 2015 ee Somaliland oo hargeysa ka socda (Dhageyso)

Oktoobar 25, 2014

Magaalada Hargaysa ee Maamulka Somaliland waxa ka soconaya kulamo Siyasadeed oo dhamaantooda diirada lagu saarayo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan halkaasi sanadka 2015-ka.

Wadooyinka Magaalada Hargaysa waxa lagu arkayaa boorar ay ku xar dhan yihiin hal ku dhigyo ka tarjumaya doorashada iyo muuqaalka Musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo.

Doorashadan soo socota ayaa ka duwan tii hore marka loo eego, tirada musharaxiinta u taagan xilkan.

Madaxwaynaha hada talada haya ee Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo ayaa ka mid ah masuuliyiin ku dhawaqay in ay u taagan yihiin xilkan.

Wariyaheena Cumart Seerbiya oo arimahaan ka hadlay hoos ka dhageyso.

Goobjoog News