U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay Gudoomiya Baarlamaanka Soomaaliya oo Baydhaba kula kulmay siyaasiin iyo Waxgarad (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baraalmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay gaaray magaalada Baydhaba ee gobalka Bay waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay siyaasiin iyo Odayaal ku sugan magaaladaasi.

Maanta oo Isniin ah ayaa la filaayaa in Gudoomiye Jawaari uu faah faahin buuxdo ka siiyo saxaafadda, uljeedka kulamadaasi iyo sidoo kale waxa safarkiisa uu ku qotomo.

Dhanka kale wariyaha Goobjoog ee gobalada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegaya in magaaladaasi laga daremayo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo shirka maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal lagu dhisaayay.

Dhanka kale maamulka Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ilaa iminka waxa uu ka biya diidan yahay ka tanaasulista maamulkaasi ee Lixda gobal maamuli doona.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News