U bood dhigaalka

Qof rayid ah oo lagu dilay deegaanka Xananbuure ee gobalka Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Duleedka deegaanka Xananbuure ee gobalka Gal-gaduud waxaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ninkaan dilka geystay ayaa horay u dilay xaaska ninkii uu xalay ku dilay duleedka Xananbuure, iyadoo uljeedka dilkaan warar kala duwan ay kasoo baxayaan.

Gudoomiyaha deegaanka Xananbuure Caydiid Maxamed Cosoble ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay Labada nin isku arkeen goob banaanbax Roobdoon ah uu ka socday, hase ahaatee uu shakiyay kan wax dilay isaga oo ka baqay in la dilo, balse uu la hormaray.

Waxaa goobta dilka uu ka dhacay ka baxsaday gacan ku dhiiglahii, waxaana soo qabashadiisa ku raadjooga ciidamada amaanka deegaankaasi.

Odayaal dhaqameed ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in arintaan lagu xaliyo si hoose iyadoo la og yahay shaqsigaan dilka Geystay in ay tahay Markii Labaad oo uu qof dila, wuxuuna horay u dilay Haweeney, isaga oo xalayna qaarajiyay seygii Haweyneydii uu horay u dilay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News