U bood dhigaalka

Saraakiisha maamulka Jubba oo sheegay in ay qabteen Rag ka mid ah Al-shabaab iyo hub ay wateen

Sheeko:Dalka

Saraakiisha maamulka KMG Jubba ayaa ka warbixiyay howlgallo iyo dagaallo ka socda deegaanno ka mid ah Jubbooyinka.

Korneel C/fitaax Macalin Nuur Salim oo ka tirsan saraakiisha maamulka Kismaayo ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi, ay ku soo qab-qabteen rag lala xariirinayo Al-shabaab iyo hub u badan qoriga AK 47-ka.

Waxa uu sheegay in ay u suurta gashay ciidamada maamulka Jubba iyo AMISOM oo iskaashanaya in ay la wareegaan deegaan dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, kuwaa oo qiyaas ahaan ka u jira 50 KM.

Qorshaha howlgalkooda ayuu ku sifeeyay inuu yahay mid sii socon doona illaa ciidamada ay ka gaaraan deegaanada ay Alshabaab hadda maamulaan.

Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in qorsheyaasha howlgalada ay ka mid yihiin sidii loo qaban lahaa magaalo magaalada madaxda gobalka Jubada Dhexe ee Bu’aale.

Halkaan hoose ka dhageyso