U bood dhigaalka

Cali Khaliif Galeyr “Waxaan rabnaa in aan fursad siino nabadda” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr oo waraysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegey in uu doonayo in uu fursad siiyo nabadda, islamarkaasina wadahadalo la leeyahay maamulka Somaliland.

Balse Cali ayaa sheegey in wadahadalada oo xagga taleefoonada ah uu isagu dhankiisa shuruud ku xiaryo, shuruudaasina tahay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanada uu sheegto maamulka Khaatumo.

“Ciidamo badan oo Somaliland ayaa ku sugan dhulka Khaatumo, Culeys badana waa ku hayaan dadka” ayuu yiri Galeyr oo intaasi ku daray in wadahadalada aysan mirodhal noqonin illaa iyo hadda.

“diyaar baanu u nahay in aan wadahadal la yeelano , dhulkeenana ay ka baxaan, taasi wax aan qarineyno ma ahan, xalaal maalinbaa la qashaa” ayuu yiri Cali Khaliif oo ku adkeystay in ay qasab tahay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanada Khaatumo ka hor inta aysan wadahadalo bilaabanin.

Wuxuu sheegey in aysan jirin xabad maalinkasta dhacda, balse aysan sidoo kale jirin wax xabad joojin ah oo dhextaala labada maamul. Wuxuu intaasi ku daray in labada maamul is aqoonsadaan oo midba midka kale u aqoonsado maamul jira oo sharci ah, taasina xalka lagu gaari karo iyo nabad waarta.

Wuxuu beeniyey warar uu sheegey in Somaliland uu kasoo baxay kaasi oo ahaa in Khaatumo iyo Somaliland ay wadahadal u socdaan “Ma jiraan wax wadahadalo ah oo noo socda” ayuu yiri Galeyr oo intaasi ku daray “Waxaanu leenahay Allahiin haddii alle yahay nabada iyo wahadalka ogolaada oo si nabad ah aan ku wada noolaano, waxaan nahay dad wada degane”.

Madaxweyne Cali ayaa sheegey in 20kii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalihii ugu badnaa ee aduunka ku bixiyo Somaliland la siinayay Somaliland, haddii ay iyaga wadahadalada diidaane uusan jirin wax Khaatumo kaga lumayo cawaaqib xumada ka dhalata.

Dhanka xuduudaha iyo dhulka uu sheeganayo maamulka Khaatumo ayuu Cali Khaliif sheegey in gobolada Sool iyo Ceyn ay dadka labada dhinacba wada dagaan, islamarkaasina maamulka Khaatumo uu arrintani ka gali karo wadahadalo si la’isula eego meelaha xuduudaha labada maamul la marin karo.

Cali Khaliif oo wax laga weeydiiyey in uu wadahadal la yeelanayo Puntland iyo in kale ayuu sheegey in uusan wax wadahadal ah la fureynin Puntland isagoo taasi ku micneeyey in Puntland ay taagantahay moowqif aad u fog oo aysan marnaba iskugu soo dhawaanaynin.

“Tan iyo intii Gaas uu noqdey madaxweynaha in badan ayaan holiney , lana xiriirney, dadaal badana samaynay, balse quus ayaanu ka joognaa hadda, waad maqleyseen hadalkiisii ugu dambeeyey , wuxuuna tilmaamay in Sool , Sanaag iyo Ceyn Puntland ka tirsanyihiin” ayuu yiri Dr. Cali, isagoo intaasi ku daray in hadalka sheegashada Gaas ee goboladaasi uu yahay mid afka baarkiisa ah, aysana jirin hal doolarba ha ahaatee wax uu ugu talogalay goboladaasi marka laga hadlayo miisaaniyadda Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr

Goobjoog.com