Ajandaha shirka dhawaan ka furmi doona magaalada Copenhegan ee dalka Denmark
Ajandaha shirka Copenhegan
19 November 2014
- Kalmadaha soo dhaweynta (10:30 – 10:30)
Khudbadaha furitaanka waxaa jeedinaya gabadha ah Ra’isulwasaaraha Dernmark Helle Thorning-Schidt iyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jefrfrey Feltman.
- Aragtida sanadka 2016-ka (10:30-12:15)
Waxa ay ergadu ka doodeysaa horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay dhismaha maamul goboleedyada iyo dhamaystirka iyo meelmarinta dastuurka iyo waliba qabashada doorashooyin sanadka 2016-ka.
Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard
- Amniga iyo xasiloonida (12:30 – 13:30)
Waxaa laga doodayaa xadgudyada ciidamada, qorshaha xasilinta dalka, iyo saameynta hawlaha amniga ku yeelan karaa gargaarka
Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard.
Qado
- Xoojinta isla xisaabtanka maaliyadda, hufnaanta iyo iskaashiga (15:00 – 16:30)
Ka doodista maamulka maaliyadda iyo iskaashigan qorshaha Hiigsiga cusub
Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga ee Denmark Mogens Jensen
- Xiritaanka shirka : Soo koobis iyo khudbadaha xiritaanka (16:30-17:15)
Waxaa hadalka xiritaanka jeedinaya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman iyo wasiirka arrimaha dibada Denmark Mogens Jensen
20 November 2014
- Nabadda iyo hiigsiyada dhismaha dowladeed 2014-ka iyo 2015-ka (08:00-10:00)
Waxaa laga doodayaa Siyaasadda la’iska wada arkayo , amniga iyo caddaalada
- Nabadda iyo hiigsiga dhismaha dowladnimada 2014-ka iyo 2015-ka (10:15 – 12:15)
Waxaa laga doodayaa asaaska dhaqaalaha, iyo uruurinta canshuuraha
Quraac
- Dib u eegiska samofalka, gurmadka, iyo qorshayaasha fog (13:45-15:30)
- Khudbadaha xiritaanka