U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka oo aad uga walaacsan jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Dolwadda Maraykanka waxa ay si walaac leh uga warheysaa jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaan u aragnaa in falka mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isul wasaaraha ee la horgeynayo baarlamaanka aysan ku jirin danta dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Maraykanka waxay dhex dhexaad ka tahay muranka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Waxaan sidoo kale naga go’an qodobada Hiigsiga cusub kaasi oo la doonayo in lagu dhiso Soomaaliya oo qaran ah, nabad ah, dimoqoraadi ah, mideysan, islamarkaasina federaal ah.

Maadaamaa hogaamiyeyaasha ay ku mashquulsan yihiin kala qeybsanaantooda, dowladda Maraykanka wax nacfi ah uma aragto in ay wafdi u dirto shirka heerka sare ah ee Hiigsiga Cusub, kaasi oo todobaadka dambe ka dhacaya magaalada Copenhagen.

Waxaan dowladda adduunka iyo beesha caalamka kala mideysanahay baaqa ah in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda u hirgaliso qorshaha 2016-ka, kana baxaan khilaafka hareeyey, kaasi oo wadadii uu lahaa ka leexinaya shaqadii muhiimka ahayd ee mideyn lahayd dalka iyada lagu dhaqmayo nidaamka Federaalka.

Goobjoog News