U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Madaxii waaxda socdaalka Garoonka Aadan Cadde oo Muqdisho lagu dilay

Sheeko:Dalka

Dableey hubaysan ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho waxay ku dileen madaxii waaxda socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Aadan cadde Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey.

Dableyda dilka geystay oo saarnaa gaari nooca NOHA loo yaqaan ayaa la sheegayaa in ay isku hor jareen gaariga uu watay mas’uulkaan oo maraayay Isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay qof kale oo gaariga la saarnaa Marxuum Dhabareey, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaano wada.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi balse waxaa xusid mudan in weerarada sidaan oo kale ay noqdeen kuwo magaalada kusoo batay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.