U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Xildhibaano qaatay buugtii xaadirinta ee baarlamaanka iyo buuq hareeyay xarunta golaha shacabka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay qaateen buugtii laga xaadirin lahaa xildhibaanada, xilli la filaayay in maanta mudanayaasha loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaanadaan markii ay qaateen buuga waxaa mar Labaad deg deg lagu keenay buug kale oo ay ku qoranyihiin magacyada xildhibaanada, si howsha halkaasi looga sii wado, balse mudanayaal kale ayaa la sheegay in iyaguna ay qaateen buugii kale ee la keenay.

Wariyaasheena ku sugan xarunta golaha shacabka waxay soo sheegayaan in halkaasi uu ka jiro buuq fara badan, waxaana la dareemayaa in goobta ay ka jirto is faham waa xildhibaanada dhexdooda ah.

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Xildhibaano mooshin ka keenay Ra’iisul waaaraha Soomaaliya iyo kuwo kasoo horjeeday mooshinkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale