U bood dhigaalka

Afar Iskuul oo maanta ku baratamay tartan aqooneedka Kedis ee Goobjoog Fm (Dhageyso)

Nofeembar 13, 2014

Tartanka aqooneedka Kedis oo ay iska kaashanayaan Idaacadaha Goobjoog iyo Maandeeq, ayna taaba gelinayso Jaamacdda City ayaa maanta waxaa ku tartamay Afar Dugsi.

Dugsiyadaan ayaa kala ahaa, Al-anwaar, Al-nashaat oo tartamay qeybta 1-aad, halka qeybta Labaad ay tartameen Iskuulada kala ah Dharkeenleey iyo Al-shacab.

Waxaa wareega Labaad nasiib u yeeshay in ay usoo baxaan Iskuulada kala ah Al-anwaar oo helay 14-Dhibcood, ka dib markii Iskuulka Al-nashaat ay la tartameen kaa oo keensaday 12 Dhibcood.

Iskuulka Al-shacab ayaa isna ka guuleeystay, iskuulka Dharkeenleey waxaana ay ku badiyeen 8 dhibcood ka dib markii ardayda dharkeenleey iyaguna ay heleen 6 dhibcood.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News