U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Ciidamo la wareegay xarunta Baarlamaanka Somaliland iyo xiisad jirta

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamo aad u badan ay la wareegeen xarunta baarlamaanka maamulkaasi, kaa oo maanta la filaayo in lagu qabto kulan xasaasi ah oo mooshin looga keenay gudoomiyaha baarlamaankaasi.

Ciidamadaan oo tiro ahaan lagu sheegay in ay gaarayaan 500 (Shan Boqol) ayaa habeenkii xalay ahaa gudaha u galay halkaasi, waxaana sidoo kale ay isku gadaameen dhamaan wadooyinka xaruntaasi ku dhaw.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Daahir Cirro oo saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in halkaasi lagu qabsaday in qilaab, ayna qabsadeen sida uu tilmaamay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Dhanka kale Cirro ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay xabsiga dhigeen xoghayihii golaha wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Saciid Ayaanle, isaga oo taasi digniin ka bixiyay.

Xildhibaanada maamulka Somaliland qaarkood ayaa keenay mooshin ka dhan ah gudoomiye Cirro oo dhanka kale ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

Wadooyinka waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u badan, waxaana meelaha qaar laga celinayaa dadka iyo Gaadiidka, iyadoo hadal haynta ugu badan ay tahay wax saaka ka jira magaalada hargeysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.