U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Shariif Xassan Sheekh Aadan

Sharif XasanShariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta loo doortey madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, hadaba maxaa laga yaqaanaa taariikh nololeedka Shariif Xassan Sheekh Aadan?. Goobjoog News ayaa baaris iyo dabogal kadib waxa ay halkan idiinku soo gudbineysaa taariikh nololeedka Shariif Xassan oo kooban

Shariif Xasan waxa uu sanadkii 1946-dii ku dhashay degmada Bardaale.

Shariif Xassan Sheekh Aadan waxa uu siyaasadda kusoo biiray 2004-tii, gaar ahaan 15-kii September 2004 xiligaas oo Shariff Xassan Sheekh Aadan loo doortay Afhayeenka Baarlamaankii TFG-da, jagadaas Af-hayeeenka baarlamaanka kumeel-gaarka Soomaaliya waxa uu hayay ilaa 2007-dii.

Khilaaf-ka Shariifka iyo Cabdullahi Yusuf:

Intii ay dowladda joogtay dalka Kenya, waxaa bilowday khilaaf Shariif iyo Cabdullahi Yusuf isku qabteen halka ay dowladda dageyso iyo ciidamada dalka imanaya in lagusoo daro ciidamada ka socda safka hore , arintan oo dhalisay markii dambe in dowladda kala jabto oo labo garab noqoto.

May 11, 2005: Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) iyo carab la geeyo Soomaaliya .

Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Prof. Maxamad Cumar Dalxa.

Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku tilmaamay fadhigii ay 11-kii bishaan isugu yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanku magaalada Nairobi mid aan sharci ahayn wixii ka soo baxayna ay ahaayeen waxba kama jiraan.

Dhexdhexaadintii Sharifka iyo Cabdullahi Yusuf:

June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan , kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada Sanca ee dalka Yaman.

Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay Yemen ka dhaceen 21/6/2005 iyo 22/6/2005.

Heshiiskii uu la galay Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo deegaankiisii:

June 2005: Markii ay dowladda Soomaaliya kasoo guurtay Magaalada Nairobi, dowladda waa kala jabtay, waxaa la isku qabtay Soo galitaanka ciidamada wadamada dariska Soomaaliya iyo halka ay saldhiganayso dowladda.

Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf, Ra’isul Wasaarihiisa Cali Geedi iyo Wasiirada waxay ay dageen Jowhar oo 90 KM ka xigta dhanka waqooyiga magaalada Muqdishu laakin Sharif waxaa uu iska joogay Kenya isagoo heshiis iyo wada hadal la galay hogaamiye kooxeedkii ka talinayey magaalada Muqdishu, si dowladda iyo Baarlamaanka usoo dagaan magaalada Muqdishu.

Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.

Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.

6 February 2005: Shariif Aadan iyo Xildhibaanado u badan hogaamiye kooxeedkii Muqdishu uu horkacayo ayaa ka soo dagay magaalada Muqdishu.

Muddo kadib wada hadal iyo dhex dhexaadin dheer oo dowlada Yemen hormuud ka aheyd, waxaa la isku afgartay in dowladda isugu timaado oo fadhi ka dhigato Baydhabo.

February 26, 2006: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Baydhabo markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya.

Taxaalufkii ururkii Maxaakiimta:

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay isaga iyo Cabdullahi Yusuf kadib markii uu wada hadal la galay Sharif Xasan Maxaakiimtii Islaamiga, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa isku qabtay markii C/llaahi Yuusuf uu diiday in laga qaybgalo shirka Khartuum, Isla markaana la hor fariisto Golaha Maxaakiimta Islaamiga balse markii dambe Cabdullahi Yusuf waa soo dabcay, waana ka qeyb galay shirkii.

June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim.

17, January 2007: Murankii markii uu fogaaday, Xildhibaanadii ayaa codka kalsoonida u qaaday Sharifka, 183 Xildhibaan ayaa diiday Adan, 8 cod ayaa la jirtay, halkaas ayuu ku dhacay.

2007-dii: Adan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xilkaas qabtay doorashadii dhacday January 31, 2007, waxaa jagada loo dhaariyay February 3, 2007.

 

Khilaafkii isaga iyo Adan Madoobe:

Markii laga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka, ma aamusin, waxaa uu magacaabay Baarlamaan xorta ah, waxaa uu heshiis la galay Maxaakiimtii Islaamiga.

Waxaa uu ka qeyb galay shirkii Asmara ee socday mudadii u dhaxeysay 05/09/07-14/09/07, shirkaasi waxaa ku heshiiyay Labo Sharif oo noqday gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen.

February 20, 2009 ayuu Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke u magaacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo ku xigeenka Ras’isul Wasaaraha dowladdii Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed.

Waxa uuna kamid noqday mid kamid ah ragga ugu caansan uguna saameynta badnaa ee golihii wasiirada Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isagoo ah wasiirka maaliyadda ayuu olole u galay sidii uu ku noqon lahaa Ra’isul Baarlamaan taasoo markii dambe uu ku guuleystay.

May 25, 2010 ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo afhayeenka Baarlamaanka, waxaa uu jagadaas hayey ilaa Soomaaliya ay ka baxdo nidaamkii KMG 20 August 2012.

February 2012 waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku shiray Garoowe sida Madaxweyne Sharif Ahmed, Ra’isul Wasaare Cbdiweli Mhamed Ali, Madaxweynaha Puntland Abdirahman Mohamed Farole, Madaxweynaha Galmudug Mohamed Ahmed Alim iyo wakiilka Ahlu Sunnah Wal Jama’a Khalif Abdulkadir Noor, shirkaas waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya ay uga bixi lahed KMG.

Kampala Cord: Heshiiskii Kampala

Waxaa lagu xasuustaa Shariif Adan Khilaaf isaga Madaxweynihii xiligaas Sharif Sheekh Axmed, oo la isku khilaafay arimo badan sida xiliga doorashada iyo in Baaralaamka iyo dowladda waqti loogu daro iyo in kale, Khilaafkaas aad ayuu u xoogeystay taas oo dhalisay in la iskugu tago Kampala, lana saxiixo Kampala Accord June 9, 2011.

June 19, 2011, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isulwasaarihii Soomaaliya ayaa jagada iska casilay, kadib markii uu cadaadis kala kulmay beesha caalamka, taasi oo qeyb ka aheyd Heshiiskii Kampala ee ay kala saxiixdeen Madaxweyne Shariif iyo Af-Hayeenka Baarlamaanka Aadan, heshiiskaas ayaa ilaa Agoosto 20-keeda 2012-ka sii kordhiyay waqtiga hay’adaha kumeel-gaarka ah.

 

 

 

Kaalintiisa Maamulkan Koonfur Galbeed

Maalmo kadib doorashadii 3 March 2014 loogu doortay Madoobe Nuunow Maamulka Lixda Gobol ee Bay, Bakool, Shabelle Hoose, Gedo, Jubba Dhexe iyo Jubba hoose.

Shariif waxaa uu qabtay shir sadex gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabelle Hoose , shirkan waxaa kasoo qeyb galay 733 oo ka mid ah odayaasha deegaanka, gabagabadii shirka 27 March 2014 ayuu dhisay Maamul sadex gobol, waxaa madaxweyne Maamulkaas loogu doortay Mohamed Haji Abdinur, ninka oo la sheego in uu yahay Shariif walaalkiis, waxaa kaloo uu ogaa in Maamulkaas aanu laheyn wax sharciyad ah, maanta oo maamulkan dowladda iyo caalamka taageero ka heysato waxaa uu isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, isagoo taageero buuxda ka heysta odayaasha.

Shariif Xassan hadda waa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo ka qeybgalay labadii kulan ee la doonayay in baarlamaanka lagu geeyo mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha, kuwaasi oo socon waayay.

Goobjoog News