U bood dhigaalka

Meydka Wariye Cabdirisaaq Silver oo maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaa m,aanta lagu aasay Allah u naxariistee Meydka Wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo xalay rag hubeysan ku dileen waqooyiga magaaladaasi.

Aaska wariyaha waxaa ka qeyb galay, Saxafiyiin, mas’uuliyiin, ehlada marxuumka iyo shacab badan kuwaa oo aad uga murugeysnaa geerida Wariye Silver.

Qaar ka mid ah wariyaashii aaska ka qeybgalay ayaa ugu baaqay saraakiisha ciidamada amniga in deg deg cadaaladda lagu horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka wariyaha.

Dhinaca kale saraakiisha amaanka ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan baaritaan xoogan, islamarkaana ku aadan cidii ka dambeysay dilka wariyaha, maalmaha soo aadanna faah faahin ay bixin doonaan.

Rag hubeysan ayaa Wariyaha ku toogtay goob Maqaaxi ah oo ku taala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay baxsadeen ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

 Goobjoog News