U bood dhigaalka

Nicholas Kay oo ku booriyay dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka inay diiradda saaraan ka miradhalinta faa’idooyinka Hiigsiga Cusub

Sheeko:Dalka

kayQoraal kooban oo uu soo saaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamka waxa uu ugu baaqay in ay diiradda saaraan faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa sidaan hoose u qornaa:-

Copenhagen, 18 November 2014 – Ka hor inta aanay billaaban Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare (HLPF) taas oo ka dhacaysa Copenhagen 19ka November, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka inay diiradda sii saaraan ka miradhalinta faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.

“Hiigsiga Cusub wuxuu ku saabsanyahay dadka Soomaaliyeed, waxaana iska leh dadka Soomaaliyeed wuxuuna garab taaganyahay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri SRSG Nicholas Kay. “Waa hannaan lagu xaqiijinaayo arrintaas. Kadib muddo kabadan labaatan sano oo lagu jiray colaad iyo xasillooni la’aan, dadka Soomaaliyeed waxay heli karaan faa’iidooyinka ku jiro amaan iyo dowladnimo hagaagsan. Qaramada Midoobay waxay intii karaankeeda ah ku garab taagnaan doontaa dadka Soomaaliyeed socdaalka loogu jiro xaqiijinta arrimahaas.”
Dhamaad

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
facebook.com/UNSomalia
flickr.com/photos/unsom

Goobjoog News