U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaraha Baladweyne oo u Xirmey Roobab Halkaasi Ka Da’ay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Garoonka Ugaas KhaliifWaxaa gabi ahaanba xirmey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kadib roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ayay maalmahan.

Goobjoog oo wax ka weeydiisey arrinkani guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Baladweyne Sheekh Cusmaan Cali ayaa waxa uu sheegey in garoonka xirnaanshihiisa ay ugu wacantahay iyada oo aanan laga qaban hawshii ay ahayd in laga qabto.

Garoonka oo ah ciid, islamarkaasina aanan lahayn dhabihii laamiga ahaa ee dayuuradaha ku ordayeen, waxayna tani keentey in ay biyo fariistaan.

Sheekh Cusmaan ayaa sheegey in dhawr jeer oo hore ay codsi u gudbiyeen wasaaradda duulista hawada sare, balse aanan dheg jalaq loo siinin.

Wuxuu intaasi ku daray in garoonka uu ahaa mid bulshada u adeegayay oo ay duulimaadyo ka baxa, kana soo daga , xirnaanshihiisana ay keeneyso in magaalo ay go’doon gasho.

Dhageyso

Goobjoog News