U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubba oo Ka Hadlay Xukun Dil Ah oo Maanta Maxkamada Fulisey

Sheeko:Dalka

gudoomiyaha maxkamadda ciidamadaGudoomiyaha maxkamadda ciidamada Jubba Sheekh Xassan Ibraahim Isxaaq oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in xukun dil ah oo maanta ay maxkamadda fulisey ayaa sheegey in xukunkaasi uu ahaa mid xaq ah, una dhacay si waafaqsan shareecada islaamka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in ninka dilka lagu xukumey, laguna fuliyey isla maanta in uu diley ilmo yar oo 8 jir ah, islamarkaasina uu isagu qirtey, marqaatiyadiina ay ku marqaati fureen.

Wuxuu sheegey in inkasta oo 2 maalmood ka hor maxkamadda si rasmi ah loo magacaabay, hadane maxkamadda ciidamada horey ay usii shaqayn jirtey hadba inta hawsha laga gaaro.

Wuxuu kale oo uu sheegey in uu gacanta ku haayo illaa 30 dacwadood oo eedeysanayaasha ay xiranyihiin, isuguna jiraan askar iyo kuwa Shabaabnimo ku eedeysan.

Ninka dilka lagu fuliyey oo guddoomiyaha sheegey in uu ka mid ahaa illaalada wasiirka garsoorka lagu magacaabi jirey Dable Cabdirisaaq Barre Cabdi, ilmahana uu dilana waxaa lagu magacaabaa Cabdimaalik Axmed Maxamed Cabaas.

Kani waa xukunkii ugu horeeyey oo dil ah oo maxkamadda ciidamadda Jubbooyinka ay fuliso tan iyo intii lagu dhawaaqay maxkamadda. Hase yeeshee horey maamulka waxa uu u fuliyey xukuno ah oo xeer Soomaali lagu saleeyey kadib markii dadkii wax kala diley sidaasi ku heshiiyeen.

Goobjoog News