U bood dhigaalka

Hawlgalo Ciidan oo Laga Sameeyey Deegaanka Leego ee Sh/Hoose

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Degaankaasi Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa sheegay in hawlgaladan ay socdeen 24-kii saac ee la soo dhaafay, balse aysan jirin cid lagu soo qabtey, walina socdaan hawlgalada kadib markii la dareemey saansaan amni daro.

Waxa uu hawlgalkan yimid markii gaadiidleyda isticmaasha wado halkaasi marta ay cabasho ka muujiyeen isbaarooyin iyo falal amni daro oo lagula koco, iyaga oo dowladda ka codsaday in ay wax ka qabtaan falalkaasi.

Labo Maalmood ka hor waxaa jirey fal lagu dhacay gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhaxeysa Leego iyo Buurxakaba.

Dhageyso

Goobjoog News