U bood dhigaalka

Booliska Magaalada Afgooye oo Hawlgal Kusoo Qabqabtay Dhalinyaro Badan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

booliiska AfgooyeHawlgal habeenkii xalay ahaa ay sameeyeen ciidamada booliiska Afgooye ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalinyaro gaareysa illaa 50, kuwaasi oo xabsiga loo taxaabay.

Xaafadaha hawlgalada laga fuliyey ayaa waxaa ka mid ah xaafadda Dhagaxtuur iyo 21-ka Oktoobar, waxayna ciidamada guryahooda kasoo bixinayeen dhalinyarada kadib tuhuno yimid.

Dhalinyarada qaarkood ayaa maanta lasoo siidaayay kadib markii wax cadeymo lagu waayay, halka kuwa kale wali la maraanmarayo.

Hawlgaladani ayaa biloowdey kadib dilal isdaba joog ahaa oo maalmahan ka dhacayay magaalada Afgooye, waxaana lagu diley illaa 4 qof oo dhamaantood dowladda hoose u shaqeynayay.

 

Dhageyso

Goobjoog News