U bood dhigaalka

Warbixin : Baabuurka Jante Finti Kuwaataro oo Dariiqyada Muqdisho Ka Dhamaaday

Jante Finte KuwaataroJante Finti Kuwaataro ama 124 Baabuurkii ahaa kan ugu badan ee mara waddooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa maanta ah mid ay dadku ku diimayaan, waxaana guud ahaan magaalada laga heli karaa mid ama labo ay wataan dad aad u xanaaneeyey baabuurka, xusuus ahaana u heysta.

Arrintani waxa ay ka midtahay isbadalada muuqda ee dalka iyo caasimadaba ku dhacay, waxaana arrintaasi si dhow ugu kuurgalay wariyeheena Munasar Maxamed Cabdi.

Waxa noo suurogashay in aan la kulano Muxyadiin Cabdullaahi Barako oo ah nin oday ah oo wali gaarigani Jante Finti Kuwaaro ku tagsiileeya, kaasi oo shaqadani hayay muddo 37 sano ah.

Muxyadiin oo hadda dhigta isla boosteejadii uu shaqada ka bilaabay sanadkii 1977-dii oo ah masaajidka Marwaas ee Xamar Weyne agtiisa, ayaa waxa uu sheegey in waayuhu aysan la mid aheyn kuwii wanaagsanaa ee uu soo maray.

“Hadda umulaha, dadka xanuunsan iyo qof aan macriifo nahay ayuunbaan ku qaataa” ayuu yiri Muxyadiin oo intaasi ku daray in ay adagtahay in xitaa la helo qalabka baabuurkani marka uu ciladoobo.

Furihii gaariga ayaa xili hore ka lumey, hadana fiilooyin ayaa lagu kiciyaa marka la kaxayn rabo.

Dadka baabuurtani kaxayn jirey, islamarkaasina aad u jecel raacistiisa waxaa ka mid ah Mahdi Faarax “Xusuusta waagaas ayay ahayd , adduunka hadda waad aragtaa sida uu u qusmay” ayuu yiri Mahdi oo intaasi ku daray in baabuurta hadda jira ay yihiin “Gadaal Ka Gaar, Goob Dumis waaye”.

Gaariga oo ay soo saari jirtey shirkadda Fiat ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa markii ugu horeysey lasoo saaray sanadkii 1966, wuxuuna suuqa kusoo galay si xawli ah kadib markii loo sameeyey xayaysiis ay dadka aad ola dhaceen taasi oo muujinaysa baabuurka oo baarashuud looga soo tuurayo diyaarad dusheed.

Sanadii 1967-dii waxa uu noqdey gaariga sanadka ee qaaradda Yurub kadib carwadii bandhigga baabuurta ee la qabtay sanadkaasi.

Balse markii lasoo gaaray sanadkii 1988-dii, soo saarista iyo suuqa baabuurkani waxa ay noqotey mid gabaabsi ah qaarada Yurub, sidaasi darteed shirkadda waxa ay qandaraasyo la gashay warshado ku yaala wadamo kale sida Hindiya iyo Ruushka si ay usoo saaraan baabuurkani.

Waxa uu gaarigani soo gaaray Soomaaliya sanadihii 1970-meeyadii, markii lasoo gaaray sideetanaadkii waxa uu noqdey kan ugu badan ee marayay waddooyinka Muqdisho.

Laakiin maanta waxaa dariiqyada Muqdisho camirey baabuurta kala ah Hariyeer , Kaarib , Isbaashiyo , Nooha , iyo Bajaaj , iyada oo haddii aad raadiso Jante Finti Kuwaataro ay kugu adkaanayso in aad aragtay hal xitaa.

Gaarigani Muxuyadiin waa kan kaliya ama faro ku tiriska ah ee magaalada laga heli karo, wuxuuna ii sheegey in dadka macaamiisha ah ay yihiin dad horey baabuurkani u isticmaali jirey oo hadda u xiisey raacistiisa si xusuustooda ay dib ugu milicsadaan waayihii samaa ee Soomaaliya soo maray.

Xiliyadii dhibka badnaa ee ay magaalada soo martay ee baabuurta la kala dhici jirey, waxa uu ahaa kan kaliya ee magaalada ka dhex shaqeyn jirey, gaar ahaan marka dumarka foosha ah isbitaalada loo qaadayo, taasina waxaa ugu wacan maadaamaa aanan la damceynin in la dhoco.

Dhageyso

Goobjoog News