U bood dhigaalka

Ergeyga Midoowga Afrika oo Ka Hadlay Weerarkii Xalane iyo Xil Ka Qaadistii Afhayeenkii AMISOM Col. Cali Xumad

Sheeko:Dalka

MamanErgeyga gaarka ah ee Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sadique oo maanta warfidiyeenada kula hadlayayaa ka hadlay weerarkii dagaalyahanada Alshabaab ay ku qaadeen xarunta AMISOM ee Xalane.

Ergeyga ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ku bilaabayaa Dhacdadii nasiib darada ahayd, ogaada axaan la dagaalamayno urur argagixiso ah oo macduur u ah in ay dagaalka sii wadaan inkasta oo uu Alshabaab gaarayo qasaaro baaxad leh” “Waxaa cad in Alshabaab ay samaynayso wax kasta oo ay kusoo jiidan karto dareenka saxaafadda, in saxaafadda ay u samayso canaawiin waaweyn marka ay fal sameeyaan”

Wuxuu intaasi raaciyey “ AMISOM iyo dadka kale ee nala shaqeeya, gaar ahaan dowladda Soomaaliya, arrintani weerarka waxa ay sii adkeysey go’aankeena ah in aan la dagaalano Alshabaab, si dadka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan”

Mar uu ka hadlay ciidamadii ku dhaawacmay weerarka oo uusan tiradooda sheegin ayuu yiri “31 dii bishii December waxaan Nairobi ku booqdey askartii ku dhaawacantay weerarka, xaaladoodana waa mid soo hagaagaysa”

Mar wax laga weeydiiyey afhayeenkii AMISOM Col. Cali Xumad oo la sheegey in xilka laga qaaday ayuu arrintaasi xaqiijiyey, wuxuuna yiri “Xumad Waxaan ahay kormeerihiisa, waxaan kale oon ahay saaxiibkiisa wanaagsan, waa nin xirfadyahan ah oo shaqo wanaagsan u qabtay Soomaaliya, islamarkaasina na faraxgaliyey xiligii uu ahaa afayeenka AMISOM, Balse 6-dii bishii Agoosto sanadkii hore , waxaa loo wareejiyey meel kale oo uu ka qabanayo shaqo , tanina waa wax iska caadi oo markasta dhacda “

“Wixii mudadaasi ka dambeeyey afayeen ma uusan ahayn, taasina maanka ku haaya, waa nin korneel ah, waa nin ciidamada ka tirsan, ma ahan nin idinka iyo aniga oo kale ah, waa nin asluubta ciidamada leh, mana ahan nin samayn kara waxa uu doono, meesha uu doono”

Wuxuu intaasi ku daray “Markii hore afayeen ayuu ahaa, maantana ma ahan, markii waxan dhacayeen waxaan ku sugnaa dalka Maraykanka isaga oo la hadlaya Al-jazeera, waxaan u sheegey in uu joojiyo shaqadan, maadaamaa aysan shaqadiisa ahayn. Sidoo kale hadda dalkiisa ayaa dib loogu badalayaa, sababtoo ah ciidamada hal sano ayay joogayaan, kadibna waa ay laabanayaan, wuxuuna tagayaa 10-ka bishan , hadda waa uu joogaa, mardhowna waan wada joogneyba. Marka fadlan arrintaasi halkaasi aan ku dhaafno, dad ayaan luminey hadda oo naga dhintey, aniga iyo Cali hana eegina, waxaan nahay dad imaanaya, kadibna tagaya marka ay shaqada u dhamaato”.

Weerarkii Xalane kadib ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM waxaa lagu sheegey in xilkii afhayeenimada laga qaaday Col. Cali Xumad, taasi oo markii aan la xiriirney uu beeniyey Cali.

Dhageyso

 

Goobjoog News