Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Qorshaha Dowladda Federaalka Ee Qaxootiga Yemen (Wareysi Gaar Ah)
Wasiirka arimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay arimaha ku aadan Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Yemen iyo sidoo kale qorshaha dowladda ee ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkaasi.
Ugu horeen wasiirka ayaa soo dhaweeyay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee Goobjoog, kaasi oo ku aadan sidii loo baraarujin lahaa shacabka Soomaaliyeed si ay ugu gurmadaan walaalahooda ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.
Wasiir hadliye ayaa sheegay in tirada Soomaalida halkaasi ku sugan, gaar ahaan diiwaanka Qaramada Midoobay ay gaarayaan 238-Kun hase ahaatee dadka oo dhan laga yaabo in ay gaaraan 250-kun illaa iyo 500-kun oo qof.
“Lambar dadka si sax ah looma garanayo, laakiinse waa mid aad u badan, hase ahaatee diiwanka Qaramada Midoobay waa la hayaa, dowladda Soomaaliya waxa ay sameysay guddi, gudigaasi aniga iyo wasiirka arimaha gudaha Odowaa ayaa ka madax ah, dowladda oo dhan baa isku timid, waxaa maalin walba laga shaqeynayaa sidii inta timaado loo soo dhaweyn lahaa iyadoo deeq bixiyayaasha lala kaashanayo, inta doonaysa sidii ay kusoo bixi lahaydna la wado taladeeda ah sidii lagu soo daad gureyn lahaa” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayeeynu wax ka weydiinnay halka ay ku dambeeyaan maraakiib uu sheegay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid in loo dirayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yemen iyo qorshaha arintaasi ku aadan.
“Anigu ma maqalin maraakiib uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha waa la diray, laakiin waa lagu tala jiraa, marka laga hadlo Yemen, Caymiska Maraakiibta ayaa qaali sii noqonaya waayo meel dagaal bay tagayaan, aad baa looga shaqeynayaa waana lagu tala jiraa, diyaaradahana waa laga shaqeynaa Sanca iyo wixii la tagi karo dadka kasoo kaxaynaya, laakiin walaalkey waxaan kuu sheegayaa ma suurta galayso, wax caqliga galayana ma ahan in la yiraahdo 500-kun qof inta ay u yartahay baa mar la daad gureynayaa taasi waxa weeye arrin aad iyo aad u dhibbadan” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Hadliye.
Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaan weydiinnay in dowladda ay la hadasho dowladda Sacuudiga si ay u jiijiso duqeynta mudadaasi oo dadka lagu badbaadinayo, ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan dadaallo badan oo lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaa oo dhan waa laga shaqeynayaa anigu kuma oran karo dowlad baa la oranayaa dagaalka jooji, laakiin dad badan oo Soomaaliyeed tabaaleysan ayaa jira una baahan in loo hiiliyo sida raadiyahiina u sheegay, wax walba oo suurta gal ahna waa la sameynayaa” ayuu yiri wasiirka.
Dalka Yemen waxaa ku sugan dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ka soconaya dagaallo waxyeelo kasoo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi qaxooti ku ah, waxaana dadkan ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, laguna badbaadinayo noloshooda.
Halkaan hoose ka dhageyso Qeyb ka mid ah Wareysiga aynu la yeelanay Wasiirka.
Goobjoog News