U bood dhigaalka

Doon Wada Soomaali Kasoo carartay Dagaallada Yemen Oo Kusoo Wajahan Dekadda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ay Goobjoog News ka helayso dalka Yemen ayaa ku waramaya in dekadda magaalada Mukalla ay kasoo baxayso doon ay la socdaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa dalkaasi.

Dadkaan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan 400 oo ruux, waxaana lagu soo waramayaa in qarashka doonta ay kusoo raacayaan ay iyagu iska soo bixinayaan.

Doonidaan ayaa kusoo xiran doonto dekadda magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay kusoo dhaweyn doonaan mas’uuliyiinta gobalka Bari iyo magaaladaasi, iyadoo sidoo kale loo diyaariyay koox dadkani u gurmata.

Boosaaso waxaa ku sugan Soomaali badan oo dhawaan kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxaana jira dad kale oo aan haysan qarash ay kusoo baxaan, welina dadkaasi ma aanu gaarin balanqaadkii dowladda ee ah in lasoo qaadayo.

Goobjoog News