Wasaaradda Gaadiidka Badda oo u Digtey Markabka Qaxootiga Yemen Doonaya

Maareeyaha wakaaladda hawlaha maraakiibta iyo gaadiidka badda ee wasaaradda ee wasaaradda gaadiidka dowladda federaalka Qaasim Axmed Cabdulle ayaa dadka ku hawlan soo daadgureynta qaxootiga Yemen oga digey badda oo kacsan.
Waxa uu sheegey in la galay xiligii bad xiranka, ayna kaceen dabeylo waaweyn, sidaasi darteedna aysan badda isticmaali karin maraakiibta iyo doomaha culeyskooda ka yaryahay 1500 mitir tan.
“baddu maadaamaa ay ka jiran dabeylo xoogan, oo aysan u saamaxaynin doomaha ka yar 1500 tan in ay isticmaalaan, waxaan oga digayaa , dadkaasi soo daadgureyntooda waxaa ku sugan qatar, waxaan ku talineynaa in aysan kusoo safrin badda oo sidan ah” ayuu yiri maareeyaha.
Waxa kale oo uu u digey kalluumeysata iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan isticmaalka badda xiligani.
Hadalkani wasaaradda ayaa imanaya xili la wado hawlo lagu soo daadgureynayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Yemen.
Goobjoog News