U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Puntland Oo Faah Faahiyay Howlgallo Ka Socda Magaalooyinka Boosaaso Iyo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada amaanka ka wadaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, ka dib dilal halkaasi ka dhacay.

Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Jeneraal Maxamed Saciid ayaa sheegay in howlgalada ay yihiin kuwo amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana ciidamada ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay dilal ka dhacay magaalooyinkaasi.

Gaalkacyo ayuu sheegay in lagu dilay Laba qof, kuwaasi oo dadkii dilay ay u baxsadeen dhanka Gal-mudug, waa sida uu hadalka u dhigaye, ayna soo qabteen dad badan oo falalkaasi lala xiriirinayo.

Magaalada Boosaaso ayuu sheegay Taliyaha in lagu dilay qof Bakhaar waardiye ka ahaa, ayna dilkaasi usoo qabteen dad ku dhaw 200 oo ruux kuwaas oo baaritaan lagu hayo.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa deegaanno ka mid ah Puntland ka dhaca falal amniga waxa u dhimaya, iyadoo xusid ay mudan tahay in Xarakada Al-shabaab ay ku sugan yihiin Buuraha Galgala ee gobalka Bari.

Goobjoog News