U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Guriceel Oo Shacabka Ugu Baaqay u Gurmashada Soomaalida Ka Imaanaysa Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in qof walba uu ka qeyb qaato gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya wadanka Yemen.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmadaasi  Sheekh Cabdullaahi Warsame Faarax ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay isku kaashadaan caawinta walaalahooda dhibban ee ka soo cararaya Yemen oo markii hore colaado sokeeye oo halkan ka jiray ka barakacay.

“Cid walba oo Soomaaliyeed waajib ayeey ku tahay inay walaalahooda u gurmadaan, cid gaar ah waajib kuma ahan, cidii haysata wixii maalintaasi ay cuni lahayd waa in walaalahooda wax ka siiyaan, maxaa yeelay hadii dalka la keeno gurmad bay u baahan yihiin, dalkii muddo ayeey ka maqnaayeen” ayuu yiri Sheekha.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Ganacsatada Soomaaliyeed in maanta doorkooda la joogo, lagana doonayo shuruud la’aan in walaalahooda ay ku gargaaraan.

Dalka Yemen waxaa kasoo cararaya muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo gaaraya dalka, waxaana ay u baahan yihiin in la garab qabto.

Goobjoog News