SAWIRRO:- Shacabkii Saarnaa Markabka Nawaal 3 Oo Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay
Magaalada Boosaaso waxaa maanta si rasmi ah uga degay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay dagaallada ka socda dalka Yemen, kuwaa oo tiro ahaan ka badan 2-kun oo qof.
Markabkaan ayaa lagu magacaabaa Nawaal 3, waxaana ku yaboohay Ganacsade Soomaaliyeed oo ugu tala galay in shacabka dhibban ee Soomaaliyeed lagu soo badbaadiyo.
Waxa uu markabkaan markiisa hore ka shiraacday dekadda magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa Biyo, iyo cunno Fudud, waxaana lagu firaashay Joodariyaal si aysan dadka daal u dareemin.
Magaalada Muqdisho waxaa Markabkaan kasii raacay Laba wariye oo ka tirsan Goobjoog News, kuwaa oo kala ah Maxamed Salaad Cismaan iyo sidoo kale Aweys Aar, kuwaa oo safarkii dheeraa qeyb ka galay.
Waxa uu markabkaan dadkaan kasoo qaaday Dekadda Magaalada Mukalla ee dalka Yemen, iyadoo qorshaha uu yahay in hadane oo laabto.
Inta Markabka uu soo socday waxaa ku dhex umushay haweeney Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale Markabka uu siday dad bukaan ah.
Maamulka Puntland ayaa gurmad xoogan u fidiyay dadkaasi, waxaana dadka loo wada qaaday xarun loogu tala galay in ay ku nastaan.
Sawirada Hoos ka daawo