U bood dhigaalka

Soomaalida Mareykanka oo Codsatay Wax Laga Badalo Sida Loo Maxkamadeynayo Dhalinyarada Daacish Baxsadka u ah

Hoggaamiyeyaasha Soomaalida gobolka Minessota ee dalka Mareykanka ayaa dalbatay in wax laga badalo qaabka loo maxkamadeynayo dhalinyaro lasoo qabtay iyaga oo usii baxsanaya dhanka kooxda Daacish in ay ku biiraan.

Codsigani ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii xaakim heer federal ah uu go’aamiyey in ay xabsiga kusii jiraan 3 dhalinyaro ah oo loo heysto in ay doonayeen in ay Daacish ku biiraan, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xamse Axmed , Zakariye Cabdiraxmaan iyo Hanad Muuse oo dhamaadtood 19 jiro ah.

Hoggaamiyeyaasha Soomaalida waxa ay ku doodayaan in aysan wax xal ah keeneynin in xabsiga lagu hayo, taasi badalkeedana ay tahay in banaanka la keeno si ay usoo dhexgalaan bulshada iyo qaraabadooda, halkaasi oo loo caqli celin lahaa, islamarkaasina la waanin lahaa.

“Haddii xabsiga lagu hayo waa kasii darayaan, waxayna rumeysanayaan doodad kooxaha xagga jira ee ah in nidaamka caddaaladda Mareykanka uu yahay mid lagu dhibo dadka muslimiinta ah” ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida.

Waxaa aragtidani Soomaalida ku raacsan xildhibaanka aqalka Congress-ka Keith Alison oo isagu nin muslim ah, lagana doorto gobolka Soomaalida.

Illaa 20 dhalinyaro Soomaalida Mareykanka ayaa la sheegey in ay u goosteen dhanka Daacish si ay oga soo dagaalamaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Goobjoog News