U bood dhigaalka

Weerar Isugu Jira Ismiidaamin Iyo Dagaal Oo Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Lagula Eegtay Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka mid ah AMISOM oo ka dhaqaaqay magaalada Baydhaba, kuna wajahnaa degmada Diinsoor lala eegtay weerar Ismiidaamin ah iyo sidoo kale dagaal toos ah.

Ugu horeen waxaa la sheegay in ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Manaas oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Diinsoor lala eegtay weerar Ismiidaamin ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Weerarkaasi ka dib ayaa la tilmaamay in uu xigay dagaal toos ah oo ciidamada Al-shabaab jidka ugu galeen ciidamadaan, waxaana la sheegay in halkaasi lagu dagaallamayay ku dhawaad saacad.

Weli lama oga tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka Ismiidaaminta ah, iyadoo ciidamada AMISOM ay yihiin kuwa ka socday dalka Itoobiya.

Degmada Diinsoor ee ciidamadaan ku wajahnaayeen waxaa maamul ahaan gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab, iyadoo saraakiil urukaasi u hadashay ay guul ka sheegteen weerarkii maanta ka dhacay gobalka Baay.

Dhanka AMISOM iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaan, waxaana deegaanka Manaas ee maanta lagu dagaallamay weli jawi ahaan uu yahay mid qasan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News