Tartanka Kubadda Cagta Ee Degmooyinka Gobalka Banaadir Oo Furmay (Sawirro)

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay laguna daahfurayay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir , guddiga olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka kubada cagta, madaxda Isbortiga gobolka , madaxda degmooyinka, ciyartoyda iyo taageraayasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Ciyaartoyda 17 degmo oo calankoodoa wata ayaan garoonka socod kusoo maray waxaana usacaba tumayay taageerayaashooda,
Ugu horeyn munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Wiish waxuu yiri” waa sanadki labaad oo xiriir ah ayaan qabanaynaa tartankan”sandki tagay waxaa ka gayb gashay 340 ciyaaryahan oo 200 kamid ah ay ku biireen kooxaha heerarka kale gedisan ee kubadda cagta sanadkana waxaan rajeynayaan in ay soo baxaan ciyaartoy tayo leh oo mustaqbal ku yeesha kubada cagt dalka waana sabata maamulka isboortiga gobolka uu xooga u saaray in tartanka u qabto sanad kasta isla markanaa ay joogtayn doonaan.
Sidoo Kale waxaa goobta ka hadlay Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta dalka Cali Cabdi Maxmaed (cali Shiino) waxuuna soo dhaweeyay dadlaaka isboortiga gobolka dhanka horumarka u qaadayo, xiriirka kubbada cagtana ay marwalba door muhiim ah kaqaataan taaba galinta tartanka islamarkaana ay rajeynayaa in ay kasoo bixi doonaan ciyaartooy wax gal ah.
Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada gobolka iimaan Nuur Iikar oo isna goobta ka hadlay islamarkaana tilmaamayay sida ay garoonka usoo buuxdhaafiyeen dadweynaha ayaa yiri” Muqdisho waa isku soo baxday fariin ayayna diraysaa,” Qof walboow waxaad uga qayb qaadan karto horumarka muqdisho uga qayb qaado, culayskasta oo jira gobolka wuu horumaraa.
Guddoomiye ku xigeenka siyaasada iyo aminga ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa gobagadiikahadlay xaflada furintaanka ay sheegay intartannka uuka qayb qadanayo nabadda iyo isdhex gabolka, waxuuna ciyaartodya tartanka kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaaro asluub ku salaysan.
Kulanki furitaanka oo ay nasiib u yeesheen degmada Cabdicasiis iyo Yaaqshiid ayay labda koox soo bandhigeen ciyaar wanaagsanw axaa waqtigi loogu talo galay ciyaarta ku idlaatay 5-1 guusha ku raacday degmada Yaaqshiid.
W/D: Xuseen Maxamde Hadaafow
Email: hadaafoow7 @hotmail.com
Goobjoog Fm Muqdisho
Wararkii Ugu Dambeeyay ee ciyaaraha waxaad toos uga akhrisan kartaa www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/sport
Daawo Sawirada: