U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya Harriet Matthews Oo Gaartay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi goor dhaw ay gaartay Harriet Matthews oo ah safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo wafdi ay hogaamineyso.

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’iuuliyiinta maamulka Jubbaland.

Safiiradda ayaa la kulmi doonta madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi Sheekh Cabdi oo arrimo badan ka wada hadli doonaan.

Goobjoog News