Dawarawalada Gaadiidka Ee Ka Howlgala Magaalada Muqdisho Oo Ka Cabanaya Burburka Wadooyinka
Darwalada gaadiidka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa cabasho waxa ay ka muujiyeen burburka qaar ka mid ah wadooyinka magaalada, oo ay sheegeen in xilliyada roobka dhibaato badan ku qabaan.
Qaar ka mid ah darawaladaan oo uu la kulmay wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi, ayaa waxa ay sheegeen in wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ay burbursan yihiin, sida Wadnaha iyo Sodonka.
“Waxaan dhib ku qabnaa wadooyinka wadnaha iyo Sodonka, gaadiidka inta badan ayaa isticmaala, xaafadaha ayaan marnaa, hadana dhibaatada noogu daran waxa ay tahay xaafadihii qaar oo shacabka dhagxaan nooga xirteen” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawaladaasi.
Aadan Madaxeey isna waxa uu ka mid yahay darwalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagto sidii ay ku dhisi lahayd wadooyinka burbursan.
Inta badan wadooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho waa kuwo aad iyo aad u burbursan, mana jirto wax dayactir ah oo lagu sameeyay, iyadoo meelaha qaarna aysan gaadiidka iyo shacabkaba mari karin.
Goobjoog News