U bood dhigaalka

Taliska AMISOM Ee Gobalka Hiiraan Oo Ka Warbixiyay Dagaallo Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinaca ah.

Ciidamada is garabsanaya ayaa ku baxay deegaanada lagu dagaallamay oo muddo Al-shabaab maamulayeen, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaashaanle Araytam Muxumad oo ah taliye ku xigeenka Sedexaad ee ciidamada Jabuuti oo wareysii siiyay Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaalkii ugu xooganaa uu ka dhacay dhulka Buuraladeyda ah ee u dhaxeeya deegaanada Nuur Fanax iyo Garsiyaani, sidoo kalena halkaasi ay duqeymo ka geysteen diyaaradaha dagaalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay Taliyaha in khasaare xoogan ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab, islamarkaana deegaan walba ay cagta marin doonaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in marnaba aysan dib usoo laaban doonin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Al-shabaab khasaare xoog badan ayaan soo gaarsiinay, waxa ay sugayeen oo kaliya ciidamo dhanka lugta ah, hase ahaatee diyaarado ayaan ugu darnay, raashiinkii, hubkii iyo ciidankii waan ka laynay, xitaa madaxdii ayaan ka dilnay” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Taliyaha Sedaxaad ee ciidamada Jabuuti kaga sugan gobalka Hiiraan ayaa sheegay maanta ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo Halgan ay ka mid tahay, ayna gaari doonaan illaa gobalka Shabellaha Dhexe.

Dhawaan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay howlgal saf ballaaran ah ka bilaabeen deegaanno badan oo ka mid ah gobalada dalka.

Goobjoog News