Wasiirka Waxbarashada oo Baarlamaanka uga Jawaabtay Deeqaha Waxbarasho iyo Mashruuca Dugsiyada iyo Macalimiinta

Wasiirka Waxbarshada Khadra Bashiir Cali ayaa maanta hortimid Baarlamaanka Federaalka iyadoo ka jawaabtay Su’aalaha Xildhibaanada.
Khadra Bashiir Cali ayaa wax laga weydiiyay Deeqaha Waxbarsho ee la siiyay dowladda Federaalka iyo sida loogu qeybiyay Dowlad Goboleedyada sida Jubbaland, Puntland, Koofur Galbee, Galmudug iyo Somaliland.
Xildhibanada ayaa soo jeediyay in heshiiska deeqaha ay la gashay dowladda Baarlamaanka Jubbaland aanu waxba ka jirin markii Baarlamaanka dhexe uu laalay jiritaanka Baarlamaanka Jubbaland.
Wasiirka ayaa sidoo kale su’aalo laga weydiiyay Barnaamijka Mashruuca Qorshaha Dugsiga iyo Macalimiinta 2014/2015 iyo sidoo kale Mashruucii”Go to School” 2013/2014.
Wasiirka ayaa sheegtay in 2013/2014 ay shaqeeyeen macalimiin gaaraya 768 halka tirade Dugsiyada shaqeeyay ay ku sheegtay Tirade 190
Wasiirka waxaa ay intaa ku dartay in sanad dugsiyeedkan ay howl gali doonaan ilaa 30 Meelood oo dugsiyo la sameeyay, Macalimiinta ka shaqeyneysa waa 1899 .
Wasiirka Waxbarshada Khadra Bashiir Cali mar wax laga weydiiyay Imtixaanadii dhawaan la qaaday waxaa ay sheegtay in ay galeen ilaa 10 Kun oo arday, iyadoo meesha ka saartay in la ardeyga lagu tixgalinayo Dallad iyo wax la mid ah.
Ugu dambeyntii Xildhibaano ilaa 10 gaaraya ayaa maanta Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ku aadan in Dadka maamuli doono Isgaarsiinta qaranka aan laga dhigin hay’ad ee la dhigo guddi sida ay Xukuumadda codsatay.