U bood dhigaalka

Xildhibaannada  Federaalka oo Ka Digay Ka Qeyb Galka Doorashada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Federaalka ayaa maanta shir ay ku yeesheen Muqdisho digniin u diray mas’uuliyiinta dowladda ee lagu wado in ay ka qeyb galaan doorashada Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa ku dooday in Baarlamaanka Federaalka uu horay u laallay sharci ahaanshiyada Baarlamaanka Jubbaland, sidaa darteedna aan doorashadooda sharci aheyn.

Xildhibaanada hadlay waxaa ka mid ah Xildhibaan Dahir Amin Jeesow, Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Dahir iyo Xildhibaan Maxamud Cali Magan

Xildhibaanadan ayaa sheegay in  ciddii ka qey gasha oo dowladda ka tirsan in lala xisaabtami doono,

Dhinaca kale, waxay uga digeen beesha caalamka faragalinta ay ku hayaan arimaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale  AMISOM ku eedeeyeen in u shaqeeyaan qaab ka baxsan Mandet-ka ka baxsan sida xariga Siyaasiyiin lagu xiray degmada Dolow.