U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Dad Badan Lagu Qabtay Ka Sameeyay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan, kaasi oo lagu qabtay in ka badan 40 qof.

Ciidamada dowladda ayaa kaashanayay kuwa AMISOM, waxaana howlgalkaan xoogiisa laga sameeyay deegaanka Moqokori iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobalkaasi.

Maxamed Muumin Saney oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka ee degmada Maxaas ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay howlgalkaasi kusoo qabteen dad badan oo hadda baaritaanno lagu hayo.

Waxa uu sheegay in uljeedka howlgalkaan uu yahay sidii lagu heli lahaa amni iyo kala dambeyn, ciidamadana ay sii xaqiijinayeen gacan ku haynta guud ee amnigaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid sii socon doono, islamarkaana ciidamada ay baari doonaan meel walba oo amnigeeda laga shakiyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News