U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya Oo Taageeray Doorashadii Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Gaarane ayaa taageeray hanaankii shalay u dhacday doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Wasiir Gaarane oo wareysi siiyay Goobjoog News, isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in uu u hambalyeenayo madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu tilmaamay in Axmed Madoobe ay doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu maamulka Jubbaland kala hadlay xallinta dadka wax ka tabanaya.

“Shalayna halka doorashada ay ka dhacday waan ka hadlay, waxaana u sheegay madaxweynaha la doortay in wax walba oo laga tabanayo maamulkiisa uu ku dhameeyo wada hadal iyo is af-garad, lana xalliyo wax walba oo laga tabanayo” ayuu yiri Gaarane.

Xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay goobjoog ka ahaa doorashada madaxweynaha Jubbaland ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Goobjoog News