U bood dhigaalka

Dadka Wata Baasaboorka Soomaaliga oo Loo Fududeynayo Fiisaha Lagu Galo Kenya

Sheeko:War

Kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray wafti ka socda guddiga difaaca iyo arrimaha dibada ee Kenya iyo dhiggooda Soomaaliya ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada dal, iyo waliba sare u qaadista isu socodka.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen safiirka Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya u fadhiya Jeneraal Lucas Kyonze Tumbo ayaa waxaa la’isla afgartay sidii loo fududeyn lahaa fiisaha dadka Soomaaliyeed ay ku galaan dalka Kenya.

Dhanka kale Aweys Cabdulahi Ibraashim Xog-hayaha  guddiga arrimaha dibadadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in arrimhii laga wada hadalay la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada baarlamaan, isla markaana  wafdi  ka socda Baarlamaanka Soomalliya ay tegi doonaan dhawaan dalka Kenya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Guddomiyaha guddiga difaaca golaha  shacabka  Soomaaliyeed ayaa  tilmaamay  in kulankan ay manta yeesheen xubaha ka socday Barlamaanka Kenya ay  tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaliyeed,  wixii caqabado ah ee haystana  ay kale  hadli doonaan xubnaha baarlamaanka Kenya ka yimid, si wax looga qabto tabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Goobjoog News